Badhasaabka Gobolka Sanaag Ayaa Magaalada Ceerigaabo Ka Dhagax Dhigay Cisbitaalka Dadka Maanka Ka Xanuusanaya

Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed isdeber oo uu wehelinayo isuduwaha Caafimaadka gobolka Sanaag Ayaa Magaalada Ceerigaabo Ka Dhagax Dhigay Cisbitaal Loo Dhisayo Dadka Maanka Ka Xanuusanaya Oo ay hirgalinayso Wasaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.
Cusbitaalkan ayaa wax wayn ka tari doona kor u qaadista adeegyadda Caafimaadka maanka ee gobolka Sanaag oo ay wasaaraddu ku hawlanayd sidii loo tayayn lahaa loona hir-gelin lahaa goobaha lagu xanaaneeyo dadkeena ka xanuunsanaya maanka.
Waaxda xidhiidhka dadwaynaha wacyigelinta iyo warbaahinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.