XAFADDA DHAGAX-DHIGGA DHISMAHA CUSUB EE TAIWAN MEDICAL CENTER – CUSBITAALKA GUUD EE HARGEYSA
XAFADDA DHAGAX-DHIGGA DHISMAHA CUSUB EE TAIWAN MEDICAL CENTER – CUSBITAALKA GUUD EE HARGEYSAMaanta waxa si rasmi ah Cusbitaalka Guud ee Hargeysa uga qabsoontay xafladda dhagax-dhigga dhismaha cusub ee Cusbitaalka Taiwan Medical Center, waxaana dhagax-dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Dhismahan casriga ah ayaa laga dhisi doonaa gudaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, wuxuuna ka koobnaan doonaa qaybo muhiim ah oo kor u qaadi doona tayada iyo baaxadda adeegyada caafimaad ee dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin ICU – Qaybta Xaaladaha Degdegga ah OPD – Qaybta Bukaan-socodka Qaybta Qalliinka Waadhadh casri ah oo loogu talagalay daryeelka bukaanka Xafiisyo Maamul iyo Adeegyo Kale oo Caafimaad oo muhiim ah.
Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maayirka Caasimadda Hargeysa, Agaasimayaal ka socda hay’adaha dowladda, iyo marti-sharaf kale oo lagu soo casuumay.
Dhismuhu waxa uu noqon doonaa xarun caafimaad oo heer sare ah, islamarkaana wax weyn ka tari doonta horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, kana jawaabi doonta baahida sii kordhaysa ee bulshada u qabto adeeg caafimaad oo casri ah.
