Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Adeegyo Indhaha Oo Bilaash ah ka bilaabmayaan

Ogeysiis Muhiim Ah – 
“Adeegyo Indhaha Oo Bilaash Ah.

Cusbitaalka Guud ee Hargaysa wuxuu ogeysiinayaa shacabka ku nool Hargaysa iyo guud ahaan Somaliland in baadhitaano iyo qalliino indhaha ah oo bilaash ah ay qaban doonaan dhakhaatiirta indhaha iyo hay’adda Cure Blindness Project.

Waxa lagu dhiirigelinayaa dhammaan dadka u baahan qalliinka cadka (cataract) ama lagu taliyey in ay qalliinka u baahdaan, in ay ka faa’iidaystaan fursadan qiimaha badan.

Mudada Isdiiwaangelinta: 15ka – 30ka bishan
Goobta: Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. 

Xafiiska Warbaahinta Ee Cusbitalka Guud Ee Hargeisa.