
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo qalab casri ah ku soo kordhiyay qaybta ICU-da
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo qalab casri ah ku soo kordhiyay qaybta ICU-da.
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa (Hargeisa Group Hospital) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay qalab cusub oo casri ahoo loogu talagalay Qaybta Daryeelka Bukaanadda Culus (ICU). Qaybtan ICU-da oo si buuxda dib u habeyn loogu sameeyey lana qalabeeyay ayaa dhawaan si rasmi ah xadhigga looga jari doonaa, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee Cusbitaalka.
Waxaan uga mahadcelinaynaa (Taiwan Medical Mission) taageerada iyo qalabkan qiimaha badan ee ay ugu deeqeen, taas oo si weyn kor ugu qaadaysa awoodda cusbitaalka ee lagu daryeelo bukaannada xaaladaha culus ku jira. Qalabkan cusub wuxuu ka mid yahay dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo hufnaanta adeegyada caafimaad, wuxuuna calaamad u yahay horumar muuqda oo lagu sameeyay adeegyada Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Munaasabadda lagu wareejinayay qalabkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasime Ku-xigeenka Cusbitaalka, Dr. Cabdiraxmaan Cabdisamad Ibraahim (Cayngal), oo si diirran ugu mahadceliyey Taiwan medical mission .
