Maamuus Loo Sameeyey Madaxii Hore ee Qaybta Nafaqada ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.



Xalay 22/01/2022 waxaa Hotel Ambaassador ka qabsoomay Maamuusid iyo Mahadnaqa Madaxii Hore ee Qaybta Nafaqada iyo Sugida Cuntada ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Iyadoo sidoo kale lagu soo dhawaynayay Madaxa Cusub ee loo magacaabay qaybtaasi. Kulankan oo uu kasoo qayb galay Wasir-ku xigeenka Wasaaradda H. Caafimaadka Mudane: Liiban Yuusuf Cismaan (Gaaxnuug) Madaxa Mashruuca Xakamaynta Xanuunka Duumada Dr. Cabdi Cabdilaahi Dhamaan Shaqaalaha Qaybta Nafaqada iyo Sugida Cuntada ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL iyo Haayaddaha ay wada shaqaynta leeyihiin Iyo marti Sharaf kale.
Munaasibadan lagu Maamuusay looguna Mahadnaqatay Madaxii Hore ee Qaybta Nafaqada iyo Sugida Cuntada ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr. Axmed Jaanac Muuse Ayaa waxaa hadalka iska daba qaatay Masuuliyiintii kasoo qayb gashay Munaasibada qaar ka mid ah shaqaalihii ay wada shaqaynta dhaw lahaayeen Madaxa Cusub ee Qaybta loo magacaabay Dr Maxamed yaasin Ducaale iyaga oo dhamaantood Xusay in uu ahaa masuul ku suntan Hawl-karnimo Daacadnimo iyo dadaaal iyaga oo Hoosta ka xariiqay Isku badalka masuuliyiinta Dawladu in uu yahay kaliya Sunaha Dawladnimo.
Ugu dambayn waxaa halkaa hadalo dhiirigalin dardaaran iyo Mahadnaq ahba ka jeediyay Wasirku-xigeenka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mudane Liiban Yuusuf Cismaan (Gaaxnuug) isaga oo ugu dambayn Si rasmi ah usoo gabo'gabeeyay Munaasibad lagu Maamuusay looguna Mahadnaqayay Madaxii Hore ee Qaybta Nafaqada iyo Sugida Cuntada ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.
Waaxda xidhiidhka dadwayanaha Wacyigelinta Iyo warbaahinta ee Wasaaradda H. Caafimaadka JSL.