Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garowga

Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garowga iyo Ka Hor-tagga Xanuunka CORONA VIRUS ayaa shalay kulankoogii ku yeeshay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo dardargelin lahaa hawlaha iyo qorshayaasha farsamo ee Guddida, isla markaana loo diyaarin lahaa nidaam lagu midaynayo farriimaha wacyigelineed ee la xidhiidha xannuunka Corona Virus